Baledweyne (KAAB TV)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle C/raxmaan Daahir Guure Karoore ayaa ka hadlay walaaca laga qabo ciidamada Itoobiya ee maalmihii u dambeeyay ku soo qulqulayay gobolka Hiiraan.
Wasiirka Arrimaha GudahaHirshabeelle ayaa xaqiijiyay in maamulka Hirshabeelle ay ka war hayeen dhaq dhaqaaqyada ciidan wuxuuna caddeeyay in ay la xiriirto ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee howlgalka ATMIS ee degmada Maxaas. “Sida naloo sheegay ciidamada Itoobiya ee ka soo gudbay xuduudka Feerfeer waxay isugu jiraan kuwa ATMIS ah iyo ciidamo dheeraad ah oo taageeraya dhaqdhaqaaqooda ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha GudahaHirshabeelle Waxa uu intaasi ku daray in joogitaanka ciidamadaasi uu yahay mid lagu xaqiijinayo in ciidamada ATMIS ee baxay ay si nabad ah ku maraan Hiiraan.
Dadka reer Hiiraan ayaa walaac xoogan ka muujiyay joogitaanka ciidamada Itoobiya Ciidamadan oo aad u hubeysan oo ay wateen dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah ayaa isku fidiyay deegaano kala duwan oo ay ka mid yihiin Jawiil, Beergadiid Oomad iyo Qabno Duulaankan ayaa noqonaya kii labaad oo ay ciidamada Itoobiya gudaha u galaan gobolka muddo bil gudaheed ah. Marka laga soo tago walaaca ballaaran ayaa haddana ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan ciidamadan.
Soomaaliya ayaa rajaynaysa in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dhamaadka sanadka 2024-ka, taasoo ku soo beegantay xilli uu dhacayo xilliga ATMIS-ka La Taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ku nuux nuuxsaday in Ciidamada Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin Ciidamada cusub ee Midowga Afrika ee loo qorsheeyay in ay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee Soomaaliya laga bilaabo Janaayo 2025. Somaliland oo Itoobiya u ogolaatay inay ka kiraysay xuquuqaha xeebaha Badda Cas si ay u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland. Soomaaliya ayaa si adag u diiday Is-afgaradkan, iyadoo u aragtay inuu xadgudub ku yahay madax-banaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.
Sida uu sheegay maamulka Hirshabeelle joogitaanka ciidamada Itoobiya oo lagu qiyaasay 6,000 oo askari ayaa su’aalo badan dhaliyay marka loo eego kororka tirada badan marka loo eego 500 oo askari oo ATMIS ah oo horay dalka uga baxay.
Madaxda Soomaaliya ayaa ka cabsi qaba in maqnaanshaha lama filaanka ah ee ciidamada Itoobiya ay abuurto qalqal amni oo ay Al-Shabaab ka faa’ideysan karaan. Ka bixitaanka ama dib u habeynta ciidamadan ayaa waxaa ka walaacsan mas’uuliyiinta dowlad goboleedyada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo ka walaacsan saameynta amnigooda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu dadaalaya sidii uu Itoobiya uga heli lahaa dammaanad siyaasadeed iyo mid Milatari, si uu uga jawaabo khatarta loo arkayo in ay ku soo fool leedahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu eedeysay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah uga soo gudbaan xadka, waxayna eedeymo la xiriira duullaankaas u gudbisay Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha GudahaHirshabeelle ayaa xusay in mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo kuwa deegaanka ay la xiriireen ciidamada Itoobiya islamarkaana ay u xaqiijiyeen in ay si nabad ah ugu gudbeen. “Shalay ayay yimaadeen maanta haddii ay baxayaanna wax ogeysiin gaar ah uma baahna, howshooda waa dhameystiran tahay, waxaana la filayaa inay dhoofaan,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

