WHO ayaa cambaareyn culus ujeedisay Isra’iil kadib markii ey duqeysay Isbitaalka Indonesia

|

Gaza (KAAB TV) – Hay’adda caafimaadka Aduunka WHO ayaa si kulul uga hadashay weerarkii lagu qaaday Isbitaalka Indonesia kaas oo ayn kudhinteen tiro 12-qof oo ay kujiraan bukaano dhaawac.

Sidoo kale, Isra’iil ayaa sheegtay in ey gantaal kudhufteen Isbitaalka Indonesia iyagoo sabab udhigay in markii hore rasaas looga soo riday dhanka Isbitaalka.

Dhanka kale, Xamaaz iyo maamulka Isbitaalka ayaa iska diiday eedeyntaas loo soo jeediyay, sidoo kale war qoraal ah oo uu bartiisa X usoo dhigay Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa yiri”WHO waxey kaxuntahy weerarka lagu qaaday Isbitaalka Indonesia”

Bukaano iyo kujiray Isbitaalka iyo qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka ayaa lashaaciyay iney kudhinteen Isbitaalka sida lagu sheegya qoraal ey dhowaan soo saartay WHO.

Ugudambeyntii, Isra’iil ayaa wajaheyso cambaareyn kala duwan kuwaa oo ugu imaanaayo wadamada qaar iyadoo lagu cambaareeyay weerarada iyo xad gudubyada ey kuheyso dadka reer Falastiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News