Muqdisho (KAAB TV) – Waxaa gabi ahaanba istaagay dhamaan Shaqooyinkii ka socday Xarunta Gobalka Banaadir kadib markii la waayay adeeg koronto oo lagu shaqeeyo.
Xarunta Dowladda Hoose waxaa horey looga jartay Korontada kadib markii ay bixin weysay lacagtii lagu lahaa, waxaana hadda ka halaabay halkii Matoor oo ay soo iibsadeen, taasoo sababtay in maanta aysan shaqo ka socon xafiisyadii gobalka Banaadir.
Sidoo kale waxaa adeegga korontada laga jartay Xarumaha degmooyinka waxaana kamid ah degmada Xamar Weyne oo lagu yeeshay lacag badan, degmada wax shaqo ah kama socdaan muddo 5 maalin ah.
Shalay, Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in aysan la shaqeyn karin Guddoomiye Madaale kadib markii uu kusoo rogay lacag sharci darro ah, waxaana is qaban la’ lacagta xad dhaafka ah ee dadka Muqdisho laga qaado iyo Xafiisyadii Gobalka oo qiimaha adeegga korontada iska bixin weysan.

