Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray magaalada Jowhar

|

Jowhar (KAAB) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale, Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Hirshabelle, waxaana la filayaa in halkaasi uu ka dhaco kulan u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Hirshabelle.

Sida xogaha tilmaamayaan, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay magaalada Jowhar xal u helida khilaafka ka taagan maamulka Hirshabelle iyo sidii looga hortagi lahaa in colaad ey dhexmarto beelaha dega Hirshabelle.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la sheegay in Jowhar u tagay dar-dar gelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in dhawwaan si rasmi ah u bilowdo wajiga labaad ee howlgalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News