xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhintay kadib markii gaari ay wateen uu kula kacday miino dhulka lagu aasay.

|

Jubbada Dhexe Ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku dhintay kadib markii gaari ay wateen uu kula kacday miino dhulka lagu aasay oo u dhaxeysa deegaanada Guduudey iyo Buka Bacaad ee gobolka Jubbada Dhexe .

Wararka ayaa sheegaya in gaariga sidoo kale uu saarnaa walxaha qarxa waxaana gabi ahaan gaariga gubtay.

Kooxdan ayaa horay wadada ugu aasay miinada Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xili ciidamada dowlada ay dib u bilaabeen howlgalo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanada Jubbaland.

Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay taageerayaan maleeshiyaad deegaanka ah ayaa maanta oo Sabti ah dib ula wareegay deegaanka Jameecada oo u dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Tuuladan miyiga ah oo qiyaastii 25 KM u jirta degmada Buurhakaba ayaa waxaa muddo dhowr sano ah maamulayay Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News