Xubno katirsanaa Alshabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Koonfur Galbeed

|

Beydhabo (KAAB TV) – Xubno ka tirsanaa Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Maamulka koonfur Galbeed Somalia.

Xuseen Axmed Daahir iyo Xasan Cabdirashiid oo muddo dheer ka tirsanaa Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Raggaan ayaa sheegay in la qalday markii hore, balse hadda ay ka soo hareen fikirkii al shabaab oo ay sheegeen inuu ahaa mid diinta looga been abuurtay .

Sidoo kale waxay sheegeen inay u dul-qaadan waayeen dhibaatooyinka duurka ku heysta Al shabaab iyo baacsiga ay kala kulmaan ciidamada qaranka, iyagoo raggii kala tirsanaa kooxda ugu baaqay inay dhibaatada ka dhaafaan shacabka Soomaaliyeed, iskuna soo dhiibaan dowladda

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News