MUQDISHO(KAAB TV) – Duhurnimadii Sabtida, 20 January 2024, iyadoo uu socday tababar ku saabsan xuquuqul insaanka oo loo qabtay gabdhaha saxafiyiinta Somali Journalists Syndicate – SJS, ayaa waxaa Hotel Saxafi, magaalada Muqdisho, si lama filaan ah u soo galay saddex sarkaal oo ka tirsan #NISA.
Waxay billaabeen handadaad, fawdo iyo caga-jugleyn ka dhan shaqaalaha hotelka iyo tababarayaasha. Waxay dalbadeen magacyada dadka ka qeybgalaya tababarka, duruusta iyo xogo kale. In kasta oo ay Somali Journalists Syndicate – SJS iyo maamulka hoteelka dadaallo ku bixiyeen inay u sharraxaan nooca tababarka, iyagoo xoogga saaraya baahida loo qabo ilaalinta xogta ka qaybgalayaasha. Saraakiisha NISA ayaa amar ku bixiyay in si lama filaan ah loo joojiyo tababarka maalintaas.
Subaxnimadii Axada, Janaayo 21, abbaaro 8:00 subaxnimo, ayaa labada sarkaal ee kala ah Maxamed Fooxle iyo Xasan Daahir waxay codsadeen inay la kulmaan wakiillada #SJS iyagoo adeegsanaya maamulka hoteelka. #SJS way ka cudurdaaratay codsigaas maadaama kulanka la sheegay in uusan ahayn mid rasmi ah iyo goobta uu ka dhacayo oo aan ahayn goob cayiman oo fagaare ah.
Somali Journalists Syndicate – SJS waxay si nabadgelyo ah tababarkeeda ugu sii wadatay goob kale, iyadoo si guul ah uu ku soo gabagaboobay tababarka.
SJS waxay si kulul u cambaaraynaysaa tallaabada ay qaaday NISA, waxayna ku boorinaysaa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo saraakiisha si loola xisaabtamo kuwa ku lugta leh. Faragelinta iyo carqaladaynta tababarrada suxufiyiinta ee saraakiisha NISA waxay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda, xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha. Falalka noocaan oo kale ah ayaa caqabad ku ah yagleelidda saxaafad adkeysi leh oo madax-bannaan, taasoo bud-dhig u ah jiritaanka bulshooyinka dimoqraadiga ah. Isku dayada lagu carqaladeynayo waxbarashada saxafiyiinta waxay wiiqayaan mabaadii’da aasaasiga ah ee hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo is-weydaarsiga macluumaadka.
“Intii la sugi lahaa amniga muwaadiniinta Muqdisho, oo markii horeba la daalaa-dhacayey amni darro baahsan, waa wax laga xumaado inaan marqaati ka nahay #NISA oo dadaalkeeda ku bixineyso basaasidda tababarrada suxufiyiinta xuquuqul insaanka. Waa inay taas ka xishoodaan. Waxaan si aan leex leexad lahayn u cambaaraynaynaa falalkooda. Tallaabooyinkan waa in la baaro oo lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah,” ayuu yiri Abdalle Ahmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS.