SO | EN

Weeraradii u dambeeyay: Yaa beegsanaaya shaqaalaha Hormuud? – SAWIRO

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa xaqiijisay in 6 ka mid ah shaqaaleheeda looga dilay qarax miino oo lagula beegsaday deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho gelinkii dambe ee Axaddii.

Shaqaalaha ayaa kasoo laabanayey xarunta Hormuud ee Garasbaaley, waxayna ku sii jeedeen xarunta Ceelasha Biyaha.

War saxaafadeed kasoo baxay Hormuud ayaa lagu sheegay in miino waddada lagu aasay lagu qarxiyay baabuurkii ay wateen shaqaalaha shirkadda.

Lixda ruux ayaa goobta ku geeriyooday.

Baabuurkii ay wateen shaqaalaha la weeraray oo si xun u gubtay ayaa lagu arkay sawirro lagu faafiyay baraha bulshada.

WEERAR KALE

Hormuud ayaa sheegtay in 19kii Maarso sidoo kale qarax lagu beegsaday xarunta shirkadda ee xaafadda Daallo halkaasoo xarunta lagu burburiyay qaraxa.

Hormuud ma jirto dhinac ay ku eedeeysay weeraradan.

Waxaase jirtay in khilaaf xoog leh uu kala dhexeeyay Hormuud hay’adda NISA oo bilo ka hor si toos ah ciidamo ugu dirtay, ka dibna u laabtay dhowr xarumood oo Hormuud ku leedahay magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jirtay khilaaf aanan kor loo sheegin oo u dhexeeya Hormuud iyo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku saleysan lacago baad ah oo kooxahan ay ka qaadaan ganacsiyada dalka.

Qaraxa lala beegsaday shaqaalaha Hormuud.
Qaraxa lala beegsaday shaqaalaha Hormuud.

In ka badan 10 shaqaale ah ayaa sannadkii hore looga dilay Hormuud magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda, halka 8 ka badan ay dhaawacyo kasoo gaareen weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday.

Dowladda Federaalka, ayaa inkastoo ay hadda cambaareysay weerarkan marnaba aan sameyn wax baaritaan ah oo ku aaddan dadka ka danbeeya weeraradan.

Hay’adda NISA ayaase qoraal ay soo saartay bartamihii January ku eedeysay Hormuud inay ‘gabbaad siiso’ dad argagixisada ka tirsan, taasoo aanan jirin wax caddeyn ah oo ay NISA sheegtay.

Taliskii hore ee NISA ayaa lagu eedeeyay in dagaal dhanka ganacsiga ah ay kula jireen shirkaddan oo ah tan ugu weyn dhanka isgaarsiinta dalka oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News