SO | EN

Amni darrada Muqdisho: Weerar lagu qaaday guri sarkaal militari

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho ka dib markii ciidan ka tirsan kuwa nabadsugidda ee NISA ay weerar ku qaadeen guri uu degmada Boondheere ka degan yahay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka militariga.

Dagaal socday in ka badan nus saac ayaa goobta ka dhacay iyadoo dadweynaha xaafadaha ku sugnaa iyo suuqa degmada oo aad loo buuxay lagu kala cararay.

Wararka ayaa sheegaya in tiro rayid ah ay ku dhaawacmeen.

Qof deegaanka ayaa sheegay in uu arkay wiil saarnaa mooto bajaaj oo dhaawac qabay, balse aan weli laga qaadin goobta.

Labada koox ayaa is weydaarsaday hub culus sida qoriga Dhashiikaha iyo BKM. Waxaana goobjoogayaashu ay sheegeen in gurmad ay kala heleen labada garab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in sarkaalka lagu weeraray guriga oo lagu magacaabo Sayid Cali Cabdi uu soo gaaray dhaawac aan la hubin inta uu gaarsiisan yahay.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo la xiriirta weerarka iyo ujeedka laga lahaa.

“Muqdiosho halkaas ayay mareysaa. Rasaasta hadda way joogsatay laakiin labada ciidan weli way is hor fadhiyaan,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Garaad.

Dadweynaha ayaa walaac ka muujiyay in caawa ay tahay habeenkii labaad oo xaalad degganaansho la’aan ay ku jirto caasimadda Soomaaliya.

Habeen hore ayay shacabku ku seexdeen qaraxyo isugu jiray hoobiyaal iyo qaraxyo ka dhacay dhowr ka mid ah degmooyinka magaalada oo dhaawac iyo dhimasho sababay.

Hase ahaatee waxaa durba dadweynuhu isla dhexmarayeen fasiraado kala duwan sida in ciidanka NISA oo hab beeleed ku socday ay beegsanayeen sarkaalka militariga.

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo laa-laabta isku dhacyada u dhexeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda oo mararka qaar hab qabiil isugu dhaca taasoo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh u geysata dadka rayidka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News