NAIROBI (KAAB TV) – Madaxda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qeyb galaya shirka guddiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo socon doona 3-da illaa 6-da May, 2024-ka.
Wafdiga Soomaaliya waxaa hogaaminaya Maxamed Fatiir oo ah Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya.
Shirku wuxuu ka koobnaan doonaa laba kalfadhi oo kala ah shirarkii guddiga farsamada ee isku dhafka ahaa ee 3-da ilaa 5-ta bishan May iyo kal-fadhiga wasiiradda oo dhacaya 6-da bishan May, waxaana shir guddoomin doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Fiqi iyo dhiggiisa Dr. Musalia Mudavadi.
Inta lagu guda jiro doodaha fadhiyada mas’uuliyiinta ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya (JCC) ayaa waxaa xigi doona booqasho uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Bare ku imaan doono dalka Kenya, si uu ula kulmo Madaxweyne William Ruto.