SO | EN

SO | EN

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Oo Xaqiijiyay In Si Buuxda Loogu Diyaar Garoobay Bixinta ciidamada ATMIS.

|

Mogadishu (KAAB TV) – Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaar garoobeen la wareegida Mas’uuliyada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo la qorsheeyay inuu dalka ka baxo dhamaadka sanadkan.

War saxaafadeed uu soo saaray wasiir Fartaag ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamada Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay sugaan amniga iyo xasiloonida marka ay ATMIS ka baxdo. “Haddii ATMIS-ka uu dalka ka baxo, ciidamadii bedeli lahaa waa diyaar, mana jirto walaac laga qabo in amnigeena uu la wareego. diyaar ayaan nahay Ciidamada kala duwan ee qaranka iyo geesiyaasheena waxa ay diyaar u yihiin in ay iska kaashadaan amniga guud ee dalka marka ay ATMIS ka baxdo” ayuu yiri.

Wasiir Fartaag ayaa carabka ku dhuftay horumarada ay ciidamada Soomaaliya horay ugu sameeyeen gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen ATMIS, sida Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, iyo Jubbaland. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale ciidamada qaranka ay la wareegeen howlo muhiim ah oo lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho, sida ilaalinta madaxtooyada iyo madaxda kale ee dowladda.

“Meelaha ATMIS-ku ay gacanta ku hayaan oo ay ku jiraan ammaanka madaxtooyada dalka, waxa lagu wareejiyay ciidamada qaranka, kuwaas oo ku guulaystay inay sugaan amniga. Waxaan diyaar u nahay inaan la wareegno goob kasta oo dheeri ah iyadoo ATMIS ay sii waddo bixitaankeeda,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya ay isu diyaarinayso xilli kala guur ah oo muhiim ah. Bisha soo socota gudaheed, 4,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS-ka ayaa la filayaa inay dalka ka baxaan, iyadoo la qorsheynayo in si buuxda looga saaro dalka dhamaadka sanadka. Xilwareejinta lagu guuleystay ee mas’uuliyadaha amniga ayaa loo arkaa tallaabo xasaasi ah oo loo qaaday yoolka Soomaaliya ee ah in la gaaro dowladnimo buuxda iyo xasillooni.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News