Baledweyne (KAAB TV)- Maamulayaasha dugsiyada iyo waalidiinta magaalada Baledweyne ayaa si adag uga soo horjeestay lacago ay wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle ku soo rogtay ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe.
Wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle oo qaadi doonta fasalka sideedaad ee imtixaanaadka qaran ee sanad dugsiyeedka 2023/2024, ayaa soo bandhigtay lacag dhan $25 ardaygii uu qaadanayo shahaadiga ka hor inta aan la qaadin imtixaanka, shuruudaas oo aan markii hore la rabin.
Wasaaradda ayaa amar ku bixisay in ardayda aan bixin lacagta laga mamnuuco inay galaan imtixaanka. Maamulka dugsiga iyo waalidiintu waxay dhaleeceeyeen shuruudan iyagoo ku tilmaamay sharci darro.
Shir jaraa’id oo ay khamiistii si wada jir ah ugu qabteen magaalada Baledweyne maamulayaasha dugsiyada ayaa ku gacan seyray qarashka uu dalbaday dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxayna sheegeen in aysan ku qanacsaneyn siyaasadda.
“Muddo 45 sano ah ayaan waxbarashada ku jiray oo aan macallin iyo maamuleba soo ahaa, weligay ma arag xaalad ardaydu ku bixiso shahaadadooda ka hor inta aan la ogaan in uu imtixaanku ku guulaysanayo, ku dhacayo, iyo in kaleba. Arrintaasi waa sharci darro, mana aqbali doono,” ayuu yiri Axmed Dhagane oo ka mid ah maamulayaasha dugsiyada magaalada Baledweyne.
Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yihiin tallaabada Hirshabeelle, waxa ayna sheegeen in aysan bixin doonin lacagtaasi. Iyadoo ay taasi jirto, Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle ayaa waalidiinta ka codsatay in ay bixiyaan lacagta go’an ee shahaadiga ah, ka hor inta aysan caruurtoodu u fariisan Imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2023/2024.
W/D: Bashiir Abdulahi Osmaan
Baledweyne.Somaaliya

