Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magaalada Baqdaad kula kulmay dhiggiisa dalka Ciraaq.

|

MUQDISHO (KAAB TV) –  Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Ciraaq, Mohammed Shia’ Al Sudani, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu sahmin doono fursadaha iskaashiga dhaqaalaha, amniga, iyo baahida loo qabo dadaallo wadajir ah oo lagu sugayo xasilloonida gobolka.

Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan iyo agaasimaha sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News