MUQDISHO (KAAB TV) – Maamulka degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in in ka badan 700 oo qof oo dhowaan ka barakacay magaalada ay soo gaareen magaalada Luuq, kadib markii ay ka soo carareen dagaallo hor leh oo ka dhacay magaalada Luuq.
Dagaalkan oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Luuq ayaa u dhaxeeyay labo beelood oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Deganaansho ayaa maanta ka jirta degmada Luuq sida uu ku soo waramay wariye ka tirsan Kaab TV.
Malleeshiyaadka labada beelood ee Macallin Weyne iyo Gabaa Weyne ayaa isku haya lahaansho dhul sida la sheegay hore maxkamad go’aan uga gaartay balse ay dhinacyadu ku qanci waayeen.
Maamulka degmada Doolow ayaa sheegay in magaalada ay markii horaba la ciirciireysay barakacayaal, iyadoo uu yar yahay gurmadka ay dadku heli karaan oo dhanka cuntada iyo biyaha.

KHASAARAHA
Dagaalka oo socday illaa gelinkii dambe ee maalinkii Jimcaha ayaa sababay dhimashada in ka basan 20 ruux oo u badan dhinacyada dagaallamaya, iyo shacab.
Waxaa jira dhaawac intaasi ka badan oo dagaalka uu sababay.
Shalay oo Axad ahayd waxay luuq u ahayd maalinkii seddeexaad oo xiriir ah oo dadka shacabka ah ay ku waabariistaaan colaad iyo amni darro.
Waxaa yar adeegga caafimaad oo magaalada ka jira iyadoo isbitaalka yar ee Luuq uu awoodi waayey inuu daaweeyo dhaawacyada culus.

Nasiib darro se garoonka degmada Luuq ayaa joojiyay gabi ahaanba duulimaadyadii iman lahaa maadaama xaalka magaaladu uu kacsan yahay, malleeshiyaadkuna ay adeegsanayaan hub culus.
Ciidamada shisheeye ee ku sugan Luuq oo ah itoobiyaanka nabad ilaalintana u jooga ayaan ilaa iyo haatan soo kala dhex dhinacyada dagaalamayo.
Balse maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inay wafdi u dirayaan degmada Luuq kuwaasi oo kala dhexgala malleeshiyaadka dagaalamaya.

