Muqdisho (KAAB TV) – Shacabka Soomaaliyeed waxa ay siweyn ugu nacaan madaxda labo arrimood waana qabyaalada iyo boob hantida dadka ka dhexeysa.
Warbixin teenan waxaa ku eegi doonaa isbar bar dhigna ku sameyn doonaa madaxweyne Xasan Sheekh, madaxweyne Shariif iyo madaxweyne Farmaajo.
madaxda Soomaalida markii ay banaanka joogaan waxa ay muujinayaan ayna wax ku raadiyaan Soomaalinimo, balse markii ay xukunka helaan waxa ay layimaadaan qabyaalad naceybka reero gaar ah iyo usad burinta reerahooda hoose.
Dhowaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan sheegay in xukuumadda hada jirto ay ka shaqeyneeso qabyaalad.
Saddexdan madaxweyne mid walba waxan ku saleyn doonaa qeybta uu warbixintan ku leeyahay waxa yaalaha lagu arkay xukunkiisa iyo waxa uyaala suuqa siyaasadda oo ay dadweynuhu marar badan kor usheegeen.
Qofka kowaad ee qiimeyn warbixinteenan waa madaxweyne Xasan Sheekh, waxa uu xukunka qabtay labo jeer labadaas marba waxaa lagu eedeeyay labo sifo oo qabyaalad laxiriirta.
Mida kowaad waa in uu diidanyahya ama uu muujinaayo neceb reero gaar ah.
Mida labaad oo ah in uu reerkiisa u sameynaayo sad bursi reerkiisa hoose ee uu ku matalo awood qeybsiga hannaanka 4.5.
Beesha degta Puntland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh lasheegaa in uu reer ahaan unecbanyahay halka labadiisa xili xaga wax qeybinta uu siweyn uu sad bursi ugu sameeyay reerkiisa hoose gaar ahaan xaga dhaqaalaha, xilalka, ciidameynta iyo hub sameynta.
Qofka labaad waa madaxweyne Farmaajo, intii lagu jiray mudda xileedkiisa waxaa lagu arkay hal sifo oo qabyaalad ah waana diidmada ama naceybka beel gaar ah.
Waxaa siweyn loogu eedeeyay Farmaajo in uu siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaan uwiiqo dadka Muqdisho degan, isagoo tijaabiyay in siyaasad ahaan u bur-buriyo hoggaankooda waxgalka ah inta badana xilalkooda heer federaal iyo heer maamul goboleedba waxa uu siiyay kuwa aan macno badan kufadhinin, taas oo lagu tilmaamay dagaal qaawan oo reerkaas ka dhan ahaa.
Farmaajo isaga wax sad bursi ah uma sameynin reerkiisa, markii diiwaankiisa lagu laabto xiligii uu Reysal Wasaaraha ahaa iyo markii madaxweynaha ahaa Farmaajo ma muujin sad bursi uu usameynaayo reerkiisa, balse waxaa lagu eedeeyaa diidmada reer gaar ah.
Qofka saddexaad waa madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Shariif waxa uu heystaa madaxweynaha ugu qabyaalada la’aanta ah saddexdii madaxweyne ee ugudambeysay.
Shariifka malahn sumada reer gaar ah waligiisana laguma eedeynin xiligii xukunkiisana masameynin in uu reerkiisa udhoco xoolaha dadka ama uu usameeyo sad bursi xileed.
Markii leysku soo aruuriyo warbixinteenan iyo waxa suuqa siyaasada uyaala mid walbo oo kamid ah saddexdan madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya.
1- Xasan Sheekh waxaa lagu heystaa diidmada reero gaar ah iyo usad burinta reerkiisa.
2- Farmaajo waxaa lagu heystaa diidmada reer gaar ah balse kuma suntana in uu waligiisa uu reerkiisa wax u aruuriyo.
3- Shariif Sheekh Axmed isaga oo looma heysto wax qabyaalad laxiriira hadii ay tahay neceybka beel gaar ah ama wax u aruurinta reerkiisa.

