Guddoomiye kuxigeenkii hore ee magaalada Sanbuur oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Buurdhuubo

|

Buurdhuubo (KAAB TV) – Waxaa saakay Magaalada Burdhuubo gaaray Guddomiye Ku-xigeenkii hore ee magalaada Sanbuur isagoo soo dhaweyn balaaran ay bulshada degaanka usameyeen, waxaa uu sanbuur sheegay inuu isagu yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee degmada Buurdhuubo, Maamulka Jubbaland ayuu sheegay inuusan aqoonsaneyn xafiiskii degmada ayaana loo furay waxayna bulshada degaanka qaban-qaabinayaan isku soo bax balaaran oo lagu soo dhaweynayo.

Sidoo kale, warqad horay uga soo baxday madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in guddoomiye ku xigeenka degmada loo magacaabay cumar Adan cumar oo xilka laga qaaday sanbuur.

Dhanka kale, muran siyaasadeed ayaa waayadan dambe ka taagnaa maamulada degmooyinka buurdhuubo iyo garbahaarey iyadoona sidan oo kale uu horay isaguna u qaadacay madaxa maaliyada degmada garbahaaray warqad ay maamulka jubbaland ugu magacawday xilkaas.

Sikastaba, ma ahan markii ugu horeysay uu khilaaf noocan ah soo kala dhexgalo maamulka Jubbaland, maamulka degmada Garbahaarey iyo kan Buurdhuubo, waxaana sidaan oo kale in xilka laga qaado iska diiday guddoomiyihii degmada Garbahaarey kaddib markii maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe uu guddoomiye cusub uu u magacaabay Garbahaarey, balse magacaabistaasi waxaa wax kama jiraan ku tilmaamay guddoomiyihii degmada Garbahaarey ee xiligaas joogay, isagoona diiday in xitaa guddoomiyaha cusub uu kasoo dago garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledxaawo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News