Dhuusamareeb (KAAB TV) -Maanta waxaa magaalada Dhuusa-mareeb ka dhacday doorashadda Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac oo ku caan baxay (Goobe) Wasiiru Dowlihii Howlaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib markii Sahra Colaad Cabdi oo muddo ku sugneyd xilkaasi loo doortay. Kursiga HOP 18 ayaa iska casilay kursiga.
Kursigan ayaa yaalla Dowlad Goboleedka Galmudug waxaana maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulkaasi.
Sahra Colaad Cabdi oo horay kursigan ugu fadhiisatay kuna guuleysatay doorasho ka dhacday magaalada Gaalkacyo 15-kii March 2022 ayaa xilkaas iska casishay waxayna beeshu ugu dambeyntii go’aansatay in la qabto doorashada si aysan u lumin matalaadda ay ku leeyihiin Aqalka wakiilada.
Kuraasta kala duwan ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka banaan, waxaana Guddoonka Baarlamaanka uu dhawaan sheegay in la buuxin doono iyadoo la tashiyo lagala sameyn doono beelaha iyo dowlad goboleedyada ay ku yaalaan kuraasta banaan.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee geeriyooday, kuwo aan xilal wasiirnimo soo qabtay iyo kuwo kale oo gabi ahaanba siyaasadda ka baxay oo kuraastooda iska casilay ayaa bannaan, waxaana la filayaa in sida qorshuhu yahay loo buuxiyo.

