KAMPALA (KAAB TV) -Ciidamada ammaanka Uganda ayaa xabsiga dhigay tiro dhallinyaro ah oo ka qeyb galayay bannaanbax la mamnuucay oo looga soo horjeeday waxa ay dibadbaxayaashu ku sheegeen musuq maasuq baahsan iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay geystaan madaxda dalkaas.
Goob-jooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay dadkan la xir-xiray, halka muuqaal uu NTV Uganda soo dhigay barraha bulshada ee X uu sidoo kale muujinayey koox yar oo dhallinyaro ah oo ay boolisku qabteen oo ay xidh-xidheen markii ay socdeen.
Dibad-baxayaasha ayaa watey boorar ay ku qoran yihiin, waxaana ay ku qeylinayeen ereyo ay ku cambaareynayaan musuqmaasuqa. Mid ka mid ah waxa uu xidhnaa funaanad ay ku xardhan yihiin ereyada “Hadalsame waa in uu is casilaa”.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaan ilaa hadda la helin tirada dadka la xiray.
Maamulka ayaa mamnuucay mudaaharaadka la qorsheeyay,iyaga oo soo xigtay xog sirdoon oo ay sheegeen in ay muujinayaan in dhalinyaro dambiilayaal ah ay dhici karto in ay afduubtaan si ay bililiqo iyo burbur u geystaan.
Ciidamo iyo booliis ayaa la soo dhoobay agagaarka xarunta baarlamaanka iyo bartamaha caasimadda Uganda, iyadoo ujeedadu tahay in la joojiyo dibadbaxayaasha.
Dhammaan waddooyinka soo gala xarunta baarlamaanka ayaa la xiray iyadoo kaliya ay soo geli jireen xildhibaannada iyo shaqaalaha kale ee baarlamaanka waxaana sawirro laga soo qaaday NTV Uganda ay muujinayaan gaadiid gaashaaman oo milateri oo gaaf-wareegaya goobta.
Dadka reer Uganda oo meherado ku leh agagaarka baarlamaanka ayaa dhibaato kala kulmaysay sidii ay u tagi lahaayeen goobahooda.
“Waxay la mid tahay aag dagaal ” Edwin Mugisha oo ka shaqeeya Kampala ayaa u sheegay Reuters isaga oo tixraacaya roondooyinka militariga.
Isniintii booliiska ayaa xiray xafiisyada xisbiga ugu weyn mucaaradka Uganda iyaga oo ku eedeeyay in ay abaabuleen dibadbaxyada.
waxaana ay xireen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga, oo ay ku jiraan sharci-yaqaanno.
Xisbigu waxa uu beeniyey in ay abaabuleen socodkii balse waxa ay sheegeen in ay taageersan yihiin.
Hogaamiyayaasha mucaaradka iyo dadka u dooda xuquuqda ayaa sheegay in lunsashada iyo ku takri falka hantida dowladda ay aad ugu badan tahay dalka Uganda. Waxa ay in badan ku eedeyeen Madaxweyne Yoweri Museveni in uu ku guuldareystay in uu dacwad ku soo oogo madaxda sare ee musuq-maasuqa ah oo siyaasad ahaan daacad u ah ama ay qaraabo yihiin.
Museveni ayaa marar badan diiday inuu raali ka yahay musuqmaasuqa wuxuuna sheegay mar kasta oo caddeymo ku filan la helo in dambiilayaasha ay ku jiraan xildhibaanno iyo xitaa wasiirro la maxkamadeeyo.

