Maxaabiis katirsanyed Alshabaab oo ku xirneyd xabsi ku yaala magaalada Gaalkacyo oo xabsiga ka baxsaday

|

Gaalkacyo (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in xalay xabsi kuyaalla magaaladaasi ay ka baxsadeen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in horey loogu riday xukunno dil iyo xabsi daa’in ah.

Sida ay wararku sheegayaan 12-nin oo katirsanaa maxaabiis ku xirneed xabsiga saldhigga cirka ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa baxsaday, laamaha ammaanka ayaana ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan 9-kamid ahaa raggii baxsaday.

Sidoo kale, waxaana hadda ciidamada baadigoobayaan oo baxsad ku jira saddex nin oo katirsanaa maxaabiistii Al Shabaab ee xabsiga ku xirnaa, lamana soo sheegin ilaa hadda in ciidamada raggaasi xabsiga ka baxsaday ay soo qabteen.

Dhanka kale, maxaabiista xabsiga ka baxsatay ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah, ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada Gaalkacyo ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed iyo odayaal.

Laamaha amniga ee maamulka Puntland ayaa saakay bilaabay baaritaanno ku saabsan cidda fududaysay baxsashada shakhsiyaadka katirsanaa Al Shabaab ee ku xukuman falalka argagixisada ee ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka Gaalkacyo.

Ugudambeyn, maxaabiis Al Shabaab katirsaneyd ayaa sidan oo kale sannado kahor uga baxsaday xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistan qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo u galay Al Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News