Kigali (KAAB TV) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay weheliyaan madax iyo wufuud kale oo Afrikaan ah ayaa shalay ka qayb galay xafladda caleema saarka Madaxweynaha Rwanda Paul.
Kagame ayaa loo dhaariyay shan sano oo kale, waxaana lagu dhaariyay garoon ay ka buuxaan 45,000 oo kursi oo ku yaala Kigali ka dib markii uu si weyn ugu guuleystay doorashadii bishii hore.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Rwanda. Wuxuu ammaanay sida cajiibka ah ee Rwanda ay uga soo kabatay dagaaladii sokeeye iyo hogaankii dalka hagayay tan iyo xasuuqii 1994-tii.
Madaxweyne Maxamuud ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Kagame, oo xukumayay Rwanda tan iyo xasuuqii, ayaa ku guuleystay doorashadii July 15-keedii, isagoo helay 99.18% codadkii la dhiibtay, isagoo mar kale ku guuleystay inuu madaxweyne noqdo, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka qaranka.
Madaxweyne Maxamuud ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay caqabadaha gobolka ka jira, oo ay ku jiraan dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada iyo in la sahmiyo wadooyin kale oo iskaashi.
Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka gobolka iyadoo loo marayo qiyam iyo iskaashi.

