SO | EN

Nasrallah: 8 waxyaabood oo ku saabsan hoggaamiyihii Xisbullah

|

BEYRUUT (KAAB TV) – Kooxda Xisbulah ayaa xaqiijisay in hogaamiyahooda Sheekh Xasan Nasrallah la dilay Jimcihii shalay, ka dib duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka geysteen koonfurta magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan.

Bayaan ay soo saartay Xisbulah maanta oo Sabti ah ayay waxay ku dhawaaqday in hogaamiyahooda Xasan Nasrallah uu dhintay.

Dhowr saacadood ka hor, milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen hogaamiyaha kooxda taageersan Iiraan.

Israa’iil aya duqeymo culus la beegsatay guryo la sheegay in dhulka hoose ku yaallaan qeybta koonfureed ee Beyruut.

Sideed waxyaalood oo ku saabsan Nasrallah

  1. Sheekh Xasan Nasrallah oo ahaa wadaad hadal yaqaan ah ayaa muddo 32 sano hogaaminayay kooxda Xisbullaah.

2. Xisbullaah waa koox Shiico ah oo dagaal kula jiryay Israa’iil.

3. Dhammaan weeraro hawada ah ayaa Israa’iil ku qaaday Beirut Jimcihii, ayaa la xaqiijiyay inay in Nasrallah uu ahaa bartilmaameed.

4. Nasrallah iyo kooxdiisu waxay taageero hub, tababarro iyo dhaqaale ka helaan Iiraan.

5. Waqtiga la dilayay Xasan Nasrallah wuxuu ku sugnaa guri ku yaalla xaafadda Dahieh, oo ku taalla koonfurta Beyruut. Goobta waxaa ku shiraayay saraakiil sare oo Xisbullah ah.

6. Xasan Nasrallah wuxuu 64 sano jir. Wuxuuna dhashay 1960-kii

7. Nasrallah wuxuu dhalay 5 carruur ah, wuxuuna lahaa hal xaas.

8. Buugiisa caanka ee Codka Xisbullah ayaa lagu tilmaamay mid uu kaga hadlay taariikhda halganka kooxda Xisbullah ee la aas aasay 1982.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News