SO | EN

SO | EN

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in loo midoobo ciribtirka Al-Shabaab iyo Daacish.

|

Muqdisho (KAAB TV) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dib u cusboonaysiiyay codsigiisa ku aaddan midnimada Qaran ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, isagoo carabka ku adkeeyay khatarta weyn ee ay ku hayaan amniga, nolosha iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo Khamiistii ka hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa hoosta ka xariiqay baahida degdega ah ee loo qabo in wax laga qabto argagixisada, taasoo ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Somaliya.

“Dowladdu waxay sameysay baaritaan, waxayna ku ogaatay in waxyaabaha ugu waaweyn ee halista ku ah jiritaanka dalkeenna ay ka mid yihiin argagaxisada oo khatar ku ah amniga, nafta iyo hantida,” ayuu yiri Barre.

Sidoo kale, wuxuu ka digay khatarta ka imaan karta fikradaha gooni-u-goosadka oo uu ku tilmaamay inay khatar kale ku yihiin midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya. “Waxaan ku heshiinnay in xal laga gaaro dadka aqoonta leh oo aad qayb ka tihiin,” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku daray, isagoo waxgaradka kula dardaarmay inay ka qayb-qaataan sidii xal waara loogu heli lahaa.

Barre waxa uu carabka ku dhuftay in dowladiisa ay diiradda saarayso horumarinta nidaamka waxbarashada qaranka si loo xoojiyo jiilka mustaqbalka. “Waxaa socda qorshayaal lagu tayeynayo tacliinta sare iyo xarumaha waxbarashada heerarkooda kala duwan si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho tayo sare leh, tani waxay gacan ka geysan doontaa in la soo saaro jiil aqoon sare leh oo xirfad u leh ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa tan iyo sannadkii 2007-dii waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Kooxda ayaa weli ah khatar weyn inkastoo ay socdaan howlgallo milateri oo lagu burburinayo shabakadooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News