SO | EN

SO | EN

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya o ka hadlay qorshaha DF ee hub ka dhigista mucaaradka iyo damaca Xasan ee doorashada.

|

Muqdisho (KAAB TV) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrinta hub ka dhigista mucaaradka ee guuxa badan uu ka taagan yahay iyo sida loo qaban karo doorasho qof iyo cod ah.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda qaranka ay magaalada ku dhex wataan Dhashiikayaal iyo weliba AMISOM, taasi oo aan suurtagelineyn in mucaaradka gaar loo beegsado.

Sidoo kalel Sheekh Shariif ayaa cadeeyey in doorasho qof iyo cod ah aysan diidaneyn, balse ay doonayaan in la qabto doorasho la iska ogolyahay oo heshiis lagu yahay.

Wuxuu tusaale u soo qaatay shacabka Muqdisho oo 3 Milyan uu ku qiyaasay, kuwaas oo aan diiwaan-gashaneyn, dowladana aysan hadda u qorsheysneyn inay diiwaan geliso, si xiliga doorashada ay u codeeyaan.

“Hadii qof iyo cod la’aadayo sabab aan ku diideyno ma jirto, laakiin Muqdisho waxaa joogta 3 Milyan oo qof, intaas kaliya xitaa uma diiwaan gashana guddiga been-beenta ah ee xukuumaddu sameysatay,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Shariif ayaa sheegay in labo dowlad goboleed ay maqan yihiin, la’aantoodna aan doorasho laga qaba karin dalka, maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland ayaa saldhig u ah dooda mucaaradka.

“Doorasho aysan qeyb ka aheyn labadaas maamul goboleed hadey dhacdo, waxaa imaaneysa in la kala go’o aan u istaagno inaan doono labada maamul ee maqan, hadii doorasho la aadayo waxaa muhiim ah dalkoo mideysan in la aado,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Shariifka ayaa sheegay in dalka iyo dastuurka oo ugu muhiimsanaa dowladnimada Soomaaliya midna la tuuray (Dastuurka) midna la qeybiyey (Dalka) “Seen u aaminaa madaxweynaha? Dastuur iyo Dal ayaa loo dhiibay, midna ma hayo, see loogu aaminaa doorasho marka?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Shariif Sheekh Axmed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News