SO | EN

SO | EN

Agaasimihii isbitaalka Banaadir oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif, kaddib fadeexadii ka dhacday isbitaalka.

“Wasiirka isagoo ka jawaabaya masuuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, islamarkaana garwaaqsan baahida loo qabo isbeddel degdeg ah oo dhanka maamulka ah, ayaa ðŒð®ððšð§ðž ð€ð›ðð¢ð«ð¢ð¬ðšðª ð’ð¡ðšð«ð¢ðŸ ð€ð¥ð¢ ð® ð¦ðšð ðšðœðšðšð›ðšð² ð€ð ðšðšð¬ð¢ð¦ðšð¡ðš ð†ð®ð®ð ðžðž ð¢ð¬ð›ð¢ð­ðšðšð¥ð¤ðš ð‡ð¨ð¨ð²ðšððš & ðƒð¡ðšð¥ð¥ðšðšð§ð¤ðš ðžðž ððšð§ðšðšðð¢ð«.†Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasiirka Caafimaad.

Wasiirku wuxuu agaasimihii hore uga mahadceliyay muddadii ay haysay xilka iyo howlihii ay qabatay, isaga oo xusay in isbeddellada maamul ee socda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale isbedel maamul lagu samayn doonaa qaybo ka mid ah isbitaalka, iyadoo shaqada laga joojinayo shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday.

Wasiirka ayaa Agaasimaha cusub faray inuu waajibaadkiisa u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo degdeg ah oo bani’aadannimo ku dhisan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News