SO | EN

SO | EN

DAAWO:Mw Shariif iyo wadi uu hogaaminaya oo daqiiqadaha soo socda ku soo wajahan kismaayo

|

KISMAAYO (Kaab TV) -Magaalada kismaayo waxaa maanta gaaray madax kala duwan waxaana lagu soo dhaweeyay garonka diyaaradaha magaalada kismaayo kuwaa ka qebgalaya shir manta lagu wado in uu ka furmo magaalada kismaayo.
Qabanqaabiyeyaasha shirka ayaa tilmaamay in kulankan uu daba socdo baaqyo hore oo ay jeediyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa wada-hadal iyo wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Inta lagu guda jiro shirka, ka qeybgalayaasha ayaa la filayaa inay soo bandhigaan ajendayaashooda siyaasadeed, isla markaana ay caddeeyaan dalabkooda ku wajahan Dowladda Federaalka.

Doodaha ugu waaweyn ayaa si gaar ah diiradda u saaraya arrimaha doorashooyinka, xilli ay dowladdu waddo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee ku saleysan hal qof iyo hal cod.

Shirka Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalaya xubno kala duwan oo ka kala socda bulshada rayidka ah, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyo masuuliyiin hore oo xilal sare ka soo qabtay dowladda. Waxaa sidoo kale madashaan ku casuuman madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul-wasaarayaal hore, iyo siyaasiyiin caan ah oo kale.

Shirkan ayaa la qorsheynayaa inuu soo gabagaboobo maalinta Sabtida ah, iyadoo la filayo in la soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu faahfaahin doono qodobbada lagu heshiiyay iyo talooyinka ay mucaaradku soo jeedinayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News