SO | EN

SO | EN

Kirada Nolosha

|

Noloshu waa shirqool dabiici ah, waxa hadheeyay shirqoolada noolaha!

Noloshu waa makhaayad aad kafee ka cabayso, adigoo shil ku miyir daboolay ka soo naaxay, shil aad shirqool uga shakisan tahay, adigoon isla jeerkaa garanayn halkaad ka timid, halkaad u socoto iyo waxa kugu dhaliyay in uu shirqool yahay shilkani toona, adigoo xasuusasho ku jira, ayaad isla jeerkaana fahan isleedahay dadka makhaayada gudaheeda kooxaha kooxaha u shiraya waxay maleegayaan!

Wanaagu waxa weeye miyuusig macaan ayaa baxaya, waxa miiska kaaga ka soo horjeeda fadhida gabadh daymada wajigeedu xasillooni ku dareensiiyay, hab dhaca miyuusiga ayaad ku dheehatay noolahan mugdiga wehelka kaaga noqday, kol kaliya ayaa iftiin noloshu is buuxisay, fiyooraha guduudan ayaa kuu muuqday, urta isku qasan ee fooxa, bunka, iyo cadarkeeda ayaa ku saaqay, mar aad ka jeedsatay, dhiig ayaa kuu uray oo mugdigii kugu celiyay, waxaad go’aansatay in aad indhaha ku hayso, shilkii, shirqoolkii iyo shaqaaqada illaw! Miiskeeda tag oo kafee la cab oo baro ayaad go’aan ku gaadhay, kabalyeerigii ayaa ku dul yimid adoo soo urursanaya awooddii aad carafta ku raaci lahayd, nolosha kiradeedii, shirqoolkaanad xasuusan waa lagugu dhaxal wareejiyay, canjalad Tisiita ah ayay noloshu daartay, gabadha waa la dulmiyay ilmaa ka dareeraysa, iyaduna shirqool bay ku nooshahay, nin dhiig ku fooldhaqan ayaa gacanta jiitay, iyadoo is ciilkaambinaysa ayay raacday, wuu dhunkaday oo dhiigiisii ku dhamuuqay, iyadoo dhiig leh ayay dhoolacadaysay, waa taa nitaaqadii dib kuugu soo doogatay.

Makhaayadu dhisme kharaabad ahaa oo dib loo casriyeeyay weeye, aqal shanqol ahaa oo gaydh lahaa oo gantaal ku habsaday, qoyskii lahaa oo saqafka iyo duco miciinsaday mid walbaa halkuu duubnaa ayaa xabaal u noqotay, muddo dheer xabaashooduu ahaa, xabaashooda ayaa loo soo bun doontay, qabrigaa lagu soo booqday, haddaad cabaar aamusto gabi ahaanba, baroortii shufbeelkooda waad sii maqlaysaa, jahawareerka hadda haystana jidhkaa kula dubaaxinaya!

Intaan makhaayad kafee loo gedin kharaabadu, qashin qub ayay ahayd; ka musqul waayaa ku gabado, ka daroogo la dhuumanayaana malaa’igta wax qoraysa ka galo, meelaha xun xun ma soo galaan baa la yidhi!

Laakiin, urta taxanta si loo tiro, qubuurahanna qasri looga taago, waxaa la isugu wacay awooddo tirabadan, falsamayaqaano, naqshqadeeyayaal iyo faalalawba. Faalku wuxuu qoray dhir kala duwan oo lagu qariyo fooxa, dhir fayaaminaysa ruuxa, fiiradiisa shiiqinaysa, fekerkiisana muhmal galinaysa. Dhirtu waxa ay kugu kalifaysaa in aad iska illowdo baadigoobkaad isku raadinaysay, waxay kugu shuqlinaysaa walaaca kirada nolosha, hillib caydhiin ah bay ku cunsiinaysaa!

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News