MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday guddi cusub oo ay sheegeen inuu ka shaqeyn doono gurmadka abaaraha ka jira deegaanada ay kooxdu maamusho ee koonfurta Soomaaliya.
Guddigan oo ka kooban afar xubnood ayaa waxay kooxdu sheegtay inuu hoggaamin doono Sheekh Maxamed Abu Usaama oo horey u ahaan jiray Amiirka Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Badi deegaanada Shabaabka maamulaan looma ogola hay’adaha gargaarka, waxayna Shabaab horey u qafaasheen shaqaale gargaar oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira, kuwaas oo qaarkood illaa haatan ay u heystaan madaxfurasho.
Al-Shabaab waxay sheegtay in shaqada guddigaan ay noqon doonto inay gurmad isugu duba ridaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool deegaanada iyaga hoostaga.
Abaaro daran ayaa saameeyay dadka, deegaanka iyo duunyada guud ahaan Soomaaliya, taasoo Qaramada Midoobay ay ku sheegtay in dad ka badan afar milyan ay haatan halis ugujiraan cunto la’aan.
Sida ay wariyeen hayadaha samafalka, xaaladda abaarta si degdeg ah ayay u kasii dartay kadib markii la waayey roobabkii Deyrta 2025 (Oktoobar–Diseembar), xoolihii iyo dadkiina ay waayeen dalag iyo biyo ku filan.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday xaalad abaareed bishii Nofeembar 2025, taas oo loo dallacsiiyay digniin heer qaran 7-da Janaayo 2026, kadib markii xaaladdu ku baahday gobollada waqooyi, bartamaha iyo koonfurta dalka.
Qiyaastii 4.6 milyan oo qof ayaa hadda si toos ah ugu saameysan abaarta guud ahaan dalka.
Qiimeynta Qaramada Midoobay waxay muujinaysaa in ku dhowaad 4.4 milyan oo qof ay wajahayaan cunto-yari heer qalalaase ah. Kuwaas waxaa ka mid ah 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano, kuwaas oo khatar ugu jira nafaqo-darro daran.

