SO | EN

Puntland: warqad soo qabasho ah oo loo jaray Ergeyga Xasan Sheekh iyo xubno kale

|

Garoowe (Kaab TV) – Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf Taaran oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ka hadlay dhacdadii habeen hore ka dhacday magaaladaas, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Taaran ayaa sheegay in weerarkaas ay gaysteen afar nin oo kala ah Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Xasan Shire Cabdi Abgaal, Maxamuud Warsame Faarax Shido iyo Maxamed Jaamac Faarax oo kamid ah siyaasiyiinta maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay afarta nin inay hoggaaminayeen ciidamadii weerarka ku qaaday Booliska oo xilligaas waday sanaadiiqda doorashada.

“Xeer ilaalinta Puntland waxa ay soo saartay amar soo qabasho oo ah afarta eedeysane ee kala ah, Khadar Cabdiraxmaan Maxamed  Faroole, Xasan Shire Cabdi Abgaal Maxamuud Warsame Faarax Shido, Maxamed Jaamac Faarax,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Khadar Faroole iyo Xasan Shire Abgaal ey haatan ku sugan yihiin Garoowe eyna ku haystaan ciidamo hubeysan, taas oo dagaal sababi karta.

Magaalada Garoowe ayaa haatan laga dareemaya xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, kadib dagaalkii habeen hore ka dhacay Garoowe ayaa sababay dhimashada labo askari iyo dhaawac kale oo intaasi ka badan, waxaana ragga la eedeynayo ay iska fogeeyeen weerarkaasi.

Hasayeeshee, dagaalkan ayaa kusoo aaday, kaddib markii mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni.

Hoos ka daawo Muuqaalka oo dhameystiran.

https://fb.watch/kAppw1oFrt/

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News