SO | EN

SO | EN

Kooxda Al-Shabaab oo iska fogeysay in uu ka tirsan yahay lataliyihii Axmed Godane ee Nisa ey soo bandhigtay

|

Muqdisho (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysa in uu kamid ahaa lataliyihii Axmed Godane oo ay dhawaan soo bandhigtay qabashadiisa Hay’adda Nabad sugida ee Nisa ayaa si cad udiiday in uu kamid Kooxda Al-Shabaab.

Nisa oo shaaca ka qaaday in ninkan lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu xilal kala duwan kasoo qabtay Kooxda Al-Shabaab muddo dhan 16-sano oo uu kooxda kamid ahaa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warka kasoo baxay Nisa ee ku adaan ninkan lagu sheegay in uu ahaa lataliyihii Axmed Godane, Al-Shabaab ayaa shegtay in uu san ninkan eheen sarkaal katirsan Kooxda balse uu ahaa mid kamid macalimiinta Macaahida Quraa’anka ee degmada Jilib.

Al-Shabaab ayaa tiri “Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu macalin ka ahaa macaahid lagu magacaabo uffaadul-Waxyeyn, kaasi oo Qur’aanka iyo Axaadiista lagu baro caruurta ey da’dooda kayartahay 15-sano.” sida ay hadalka udhigeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay “Nisa in ay soo qabteen dad shacab ah oo isugu jiro rag iyo dumar eyna ku edeeyeen in ay yihiin saraakiil katirsan Kooxda Al-Shabaab oo qaar kood lagu fuliyo dil toogasho ah.” sida lagu cadeeyay war qoraal ah oo kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu san katirsaneen Askarta Kooxda, kuwa muuqata iyo kuwa qarsoonba ee howl-galada ufuliya Kooxda sida ay ku cadeeyeen war qoraal ah oo kasoo baxay Warbaahintooda.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News