Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa kulan amni la yeeshay maamulka degmada Afgooye, saraakiisha ciidamada ammaanka Soomaaliya, ganacsatada iyo wakiillo ka socday bulshada deegaanka Carbiska ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay taliyaha guutada 46-aad ee ciidamada AUSSOM, Gaashaanle Sare Saul Nabimanya, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ciidamada, maamulka iyo bulshada deegaanka, si loo adkeeyo nabadda loona xaqiijiyo amniga.
Guddoomiyaha degmada Afgooye, Saciid Cabdullaahi Hiraabe, ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, isaga oo ku ammaanay kaalintooda ku aaddan sugidda amniga deegaanka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, ciidamada Midowga Afrika iyo shacabka deegaanka, si loo helo amni waara.
Gaashaanle Sare Saul Nabimanya ayaa uga mahadceliyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, booliska iyo shacabka deegaanka wada-shaqeynta ay kala leeyihiin dadaallada lagu sugayo amniga laguna wajahayo Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in iskaashiga u dhexeeya ciidamada iyo bulshada uu muhiim u yahay guusha howlgalka amni ee ka socda Soomaaliya.
Taliyaha booliska deegaanka Carbiska, Laba Xidigle Maxamed Cali, ayaa xusay taageerada AUSSOM ee dhinaca ogaanshaha iyo ka sifeynta miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs) ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Waxa uu ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ciidamada ammaanka iyo bulshada, si looga hortago khataraha ka imaan kara walxaha qarxa ee lagu aaso waddooyinka iyo goobaha ay dadku isticmaalaan.
Odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qeybgalay ayaa dhankooda ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay taliyaha guutada 49-aad ee AUSSOM, Gaashaanle Sare Gaston Mugarura, saraakiil milatari iyo xubno ka socday bulshada deegaanka.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada AUSSOM ee lagu xoojinayo xiriirka ciidamada iyo shacabka, iyadoo la doonayo in maamulka deegaanka, ciidamada ammaanka iyo bulshada ay yeeshaan iskaashi joogto ah.
Kulanka Afgooye iyo Carbiska ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in amniga aan lagu koobin howlgal militari oo keliya, balse lagu daro taageerada bulshada, xog-wadaagga iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga.

