Ciidanka Xananbuure oo wajahaya kala-daadsanaan, askar ka baxday furimaha dagaalka ee Hiiraan

|

Ciidanka Xananbuure ayaa wajahaya xaalad culus oo la xiriirta isku-duubnidooda iyo joogteynta ciidamadii lagu soo tababaray gudaha dalka, kaddib markii la soo sheegay in askar ka tirsan cutubyo ka howlgala gobolka Hiiraan ay isaga baxeen fariisimo ciidan, taasoo dhalisay walaac laga qabo kala-furfur ku yimaada guutooyinka ciidanka.

Wararka laga helayo xaaladda ciidamada ayaa sheegaya in cutub ciidan oo la dejiyay deegaan ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ay ka baxeen askar ka jawaabtay baaq uga yimid Ugaaska beesha Xawaadle.

Tallaabadan ayaa dhalisay su’aalo iyo dood ka dhex bilaabatay askarta kale ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo isweydiinaya sababta ay iyagu ugu sii jiraan difaaca deegaannada, halka askartii deegaanka ka soo jeeday ay ka baxeen goobihii loo diray.

Arrintan ayaa muujineysa caqabadaha ka jira isku-xirka ciidamada, gaar ahaan marka ay soo baxaan baaqyo iyo go’aanno ka yimaada hoggaanka dhaqanka ee beelaha ay askartu ka soo jeedaan.

Sida xogta la helayo tilmaamayso, cutubkii ugu horreeyay ee askarta ka baxay fariisimihii ciidanka ayaa gaaray deegaanka Farlibaax iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Dhaqdhaqaaqan ayaa abuuray walaac ku saabsan halka ay ku dambeyn doonaan ciidamada kale ee ku sugan fariisimaha, haddii aysan jirin qorshe cad oo lagu xallinayo tabashooyinka iyo caqabadaha ay askartu wajahayaan.

Waxaa sidoo kale soo baxaya su’aalo ku saabsan sida loo ilaalin karo difaaca deegaannada haddii cutubyo ka mid ah ciidanka ay ka baxaan goobihii loo qorsheeyay inay ka howlgalaan.

DHEERAAD:  Gud. Barlamaanka Puntland oo ka hadlay Laascaanood, xadgudubka Dowladda Xasan Sheekh iyo IGAD

Ciidanka Xananbuure ayaa ahaa qeyb ka mid ah qorshaha dowladda Federaalka ee dib loogu dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo askar badan lagu soo tababaray gudaha dalka si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hase yeeshee, dhacdooyinka hadda ka socda Hiiraan ayaa dib u soo nooleynaya su’aalo ku saabsan sida ciidankaas loo maamulayo, halka ay ka taagan tahay daacadnimada askarta iyo awoodda talisyada ee ilaalinta nidaamka ciidannimo.

Bishii Agoosto 2026, dowladda ayaa soo bandhigtay ciidamo tababar ku qaatay Xananbuure, balse markii dambe waxaa soo baxay warar sheegaya in askar ka mid ahi ay u gudbeen dhanka Itoobiya. La-taliyaha amniga qaranka ayaa markaas xaqiijiyay in askar ay joogaan Dowlad-Deegaanka Soomaalida, isagoo sheegay in fasax loo siiyay inay booqdaan qoysaskooda.

Dhacdooyinkan iyo kuwa hadda ka socda Hiiraan waxay sare u qaadayaan walaaca laga qabo in dadaalkii lagu dhisayey ciidamo qaran uu caqabado kala kulmo arrimo siyaasadeed, maamul iyo xiriirro bulsho.

Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee ka dhalan kara kala-furfurka ciidamada ayaa ah in uu daciifo difaaca deegaannada ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula dagaallamayaan Al-Shabaab.

Ciidamada Xawaadle iyo Macawiisleyda ayaa door muuqda ku lahaa howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan wixii ka dambeeyay kacdoonkii deegaanka ee sanadkii 2022.

Warar hore ayaa sheegay in Macawiisleyda Xawaadle ay isaga baxeen fariisimo ku yaalla Matabaan iyo Buulo Burde, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda difaaca deegaannadaas.

Haddii khilaafka siyaasadeed uu sii saameeyo ciidamada qaranka, waxaa dhici karta in Al-Shabaab ay ka faa’iideysato kala-qaybsanaanta si ay dib ugu soo ceshato deegaanno ay hore uga baxday.

DHEERAAD:  Wasiir ku xigeenka Sacuudiga oo ka qeyb galay shirka Wasiirada Carabta ee Arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxaa horyaalla mas’uuliyad culus oo ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa midnimada ciidamada iyo nidaamka kala-dambeynta.

Waxaa muhiim ah in la baaro tabashooyinka askarta, la xoojiyo xiriirka talisyada iyo ciidamada, lana kala saaro khilaafaadka siyaasadeed iyo waajibaadka ciidannimo.

Sidoo kale, dowladda waa inay caddeyso sababta ay askar ka mid ah ciidamada loo tababaray ay uga baxayaan fariisimaha, halka ay marayaan xuquuqdooda, mushaharkooda iyo daryeelkooda, iyo cidda mas’uulka ka ah go’aannada la xiriira dhaqdhaqaaqooda.

Ciidanka qaranku waa inuu noqdaa hay’ad u adeegta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed iyo cadaadiska kooxaha kala duwan.

Xaaladda ka taagan Hiiraan waxay muujineysaa in dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed uusan ku koobnaan karin tababar iyo qalab ciidan oo keliya, balse uu u baahan yahay hoggaan mideysan, kalsooni, mushaar joogto ah iyo nidaam ciidan oo adag.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News