Abu Dhabi (Kaab TV) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta shaacisya in ay bil kahor ka baxday isbaheysiga ey kula jirtay Mareykanka kaasi oo ka shaqeeya bariga badda dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni.
“Ayadoo ay kutimid natiijada heerka qiimeenta een aan markasto ku sameyno iskaashiga iyo amniga ee aan laleenahay saaxiibadeena, labo bil kahor Imaaraadka Carabta wuxuu iskaga baxay ka qeyb-galka ciidamada isku darka ee badda ah” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ayaa lagu yiri bayaankan oo ay shaacisay Wakaalada wararka ee dowladda.
Ciidanka isku darka ah ee badda waa ciidan kakooban 34 dal kuwaas oo saldhigoodu yahay Bahrain kuwaasi oo ka shaqeeya kahortaga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka.
Gobolkan ayaa waxa uu qeyb uu kayahay marinada maraabkiibta ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacay weeraro loo geystay maraakiibta taasi oo kordhisay xiisada Mareykanka iyo Iran.
Sidoo kale Imaaraadka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay macaamiil diblumaasiyadeed si loo gaaro xasilooni iyo amniga gobolka iyo in uu diyaar uyahay xaqiijinta iyo badqabka badda sida ay qabto shuruucda caalamiga ah.
Shan asbuuc kahor, Iran waxa ay asbuuc gudihiisa qabsatay labo markab oo ah nooca shidaalka qaada oo kusugnaa badda Khaliijka, meel u dhow marinka Hormuz Markabka labaad oo lagu magacaabo Niovi ayaa kasoo baxay magaalada Dubai, wuxuuna kusii jeeday dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.