Garoowe (Kaab TV) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa shaaciyay Ajandaha Rasmiga ah ee xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay uga doodi doonaan inta lagu guda jiro kalfadhiga 52aad ee Baarlamaanka Puntland.
Qodobada kujira Ajandaha waxa ka mid ah oo ugu weyn go’aan ka gaarista doorashada madaxtinimada Puntland ee 2023/2024.
Ka doodista xaaladda amniga Puntland gaar ahaanna amniga caasimadda Garoowe ayaa sidoo kale ku jira ajandaha.
Ka doodista xaaladda gobolka Sool oo uu ka socdo dagaalka Laascaanood ayaa sidoo kale ku jirta ajandaha iyo qodobo kale .
Waxa kale oo qeyb ka ah ajendaha Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland arrimaha mushaharka ciidanka iyo shaqaalaha dowlad-goboleedka Puntland, oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen cabashooyin xooggan.
Si waafaqsan qodobka 42-aad faqradiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ee Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, waa sidan.
- Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland.
- Ansixinta Ajendaha Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland.
- Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland
- Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada dowladda Puntland
- Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso.
- Dabagalka Hirgelin la’aanta go’aamadii Golahu soo saaray.
- Ka doodidda Mushaharka Ciidanka iyo shaqaalaha dowladda Puntland.
- Ka doodidda Xaaladda Gobolka Sool.
- Ka doodidda Amniga Puntland iyo kan caasimadda Garoowe.
- Go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira doorashooyinka 2023/2024.
- Ansixinta Xisaab xirka Sanad-maaliyadeedka 2022-ka.