SO | EN

SO | EN

Dowlada Soomaaliya oo soo saartay awaamiir la xiriirta Maalmaha Ciidul adxa

|

Muqdisho (Kaab TV) – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa awaamiir ka soo saartay nidaamka xoola qalka Maalmaha ciidda.

Shirkadaha iyo Hay’addaha sameynaya Udxiyada ayey ku wargelisey in ay raacaan habraacaan, si loo badbaadiyo nadaafada guud dadka iyo degaanka.

Wasaaradda ayaa amartay in marka hore xoolaha la baaro caafimaadkooda inta aan la qalin iyo markii la qalo kadib, si looga hortagp cudurada ay is qaadsiiyaan dadka iyo dhunyada (Prevention of zoonotic disease).

Waxay mamnuucday in la qalo neefka dhediga ah hadii aysan aheyn dhaqan ka bax (dhalmo goys), ayada oo sheegtay in qalidda neefka dhidiga waxay wax u dhimaysa tartanka xoolaha Soomaaliyeed.

“Waxaa waajib ah in xilliga la gowracayo neefka la ilaaliyo xuquuqda neefka, sida in laga ilaaliyo argagaxa islamarkaana loo gowraco sida ay qabto shareecada Islaamka,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS.

“Xilliyada udxiyo wadareedka, wasaaradda waxay fareysaa ururada ama hay’adaha ku hawlan udxiyada in ay ku koobaan qalidda xoolaha keliyaha goobaha loo asteeyay sida kawaanada, islamarkaasina waa in ay ku wargeliyaan Wasaaradda si loogu soo diro dhaqaatiirta ku hawlan baarista xoolaha maalmaha Ciidda.”

Wasaaradda ayaa fartay shirkadaha iyo hay’adaha sameynaya Udxiyada inay iska soo diiwaan-geliyaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, si loogu diyaariyo dhaqaatiirta la shaqeyneysa maalmaha Ciidul Adxa.

Wasaaradu waxay ku boorisay samafalayaasha, shirkadaha iyo hay’adaha Udxiyada bixinaya in u hogaansamaan awaamiirta kasoo baxday wasaaradda, si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News