MUQDISHO (KAAB TV) – Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo u muuqday inuu dad gaar ah ku dhaga hadlaayo ayaa baaq u diray dadka deggan guryaha iyo dhulalka dowladda, isagoo ugu baaqay inay ka baxaan.
Wuxuu ka hadlaayey waddoo dhowaan laga dayactiray Muqdisho oo maanta uu furay ayuu sheegay in dadka deggan goobaha dowladda ay tahay inay banneeyaan.
Wuxuu sheegay in marka dadkaasi laga saaraayo xarumaha dowladda ay tahay in aan loo arkin in dad gaar ah ama qabiil loola dan leeyahay.