Beledweyne (Kaab TV) – Guddoomiyihii hore ee goblka Hiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in uu yahay Madaxweynaha Hiiraan State, ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay xubno ka mid noqonaya maamulkiisa.
Wareegtada kasoo baxday xafiiska Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu magacaabay guddoomiyaasha gobolka Hiiraan iyo gobol cusub oo uu ugu magacdaray Shabeellaha Sare.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hiiraan State ayuu Cali Jeyte u magacaabay Cabdicasiis Axmed Cadoow oo loo yaqaano Jaaburi, halka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Sare loo magacaabay Cabdaladhiif Faarax Aadan.
Cali Jeyte ayaa sidoo kale wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Hiiraan State Suleymaan Geedi Ibraahim, halka taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta uu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Faarax Biriq, iyadoo taliyaha Saadka Ciidanka Daraawiishta loo magacaabay Afrax Cali Xasan Afrax Yare.
Xubnaha cusub ee maamulka Hiiraan State ee la magacaabay waxaa sidoo kale ka mid ah Afhayeenka madaxtooyada maamulka Hiiraan state oo loo magacaabay Maxamuud Maxamed Saxane, maamulka Hirshabeelle ayaan ilaa hadda ka hadlin Magacaabistan.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo Cali Jeyte uu Khamiistii magaalada Beledweyne ka dhagax-dhigay madaxtooyo cusub oo maamulkiisa Hiiraan State uu yeelanayo isagoona sheegay in eysan noqn doonin igu sawir.
Cali Jeyte ayaa todobaad kahor kugacan seyray xil kaqaadis uu sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, sidoo kale Jeyte ayaa qaaday tallaabo uu ku xajisanayo awoodda gobolka Hiiraan, isaga oo ku dhowaaqay maamul uu ugu magac daray Hiiraan State.