Daaru Nicma (Kaab TV) – Qarax miino ayaa saaka ka dhacay degaanka Daaru-Nimca oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Sh/dhexe.
Waxaa lala eegtay qaraxaas gaari uu la socday Xoghayihii degmadaasi Abuukar Jawiin Caddow oo u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray.
Guddoomiyaha Degmada Ruun-Nirgood Macallin Muxyiddiin Max’uud Kulmiye ayaa xaqiijiyey geerida Abuukar Jawiin Caddow.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku geeriyooday darawalka gudoomiyaha.
“Habeen hore markii ay degaanka Daaru Nicma soo weerareen ayey jidadka degaanka geliyeen miinooyin, qaraxaana halkaas ayuu ka yimid” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Ruun-Nirgood Macallin Muxyiddiin Max’uud Kulmiye.
Dhinaca kale, waxaa uu xusay in 30 qof oo dhowaan Al-shabaab ay ka afuubteen degaanka Daaru nicma la soo furtay ka dib howlgal ay sameeyeen dadka degaanka iyo ciidamada DF oo wada jira, isagoo xusay in haatan ay dadkaasi ku sugan yihiin degaanka iyagoo bad qaba.
Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa maaanta ka dhacay degaanka Daaru Nicma ee gobolka shabeelada Dhexe iyado shaaciyay in ay ku dileen Abuukar Jawiil Caddoow Abuukar Miineey oo ahaa guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Ruun-Nirgood ee gobolka shabeelada Dhexe islamarkaana ka mid ahaa Aas aasayaasha Macawiisleeyda Degmada Run-Nirgood.