SO | EN

SO | EN

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah

|

Muqdisho (KAAB) – Golaha Wasiirrada XFS oo yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamze Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo kooxda Al-Shabaab, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Sidoo kale R/Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda Danqaran uga go’an tahay dabargoynta Kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira xaalad naf la caari ah, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka GDP 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee Somalia Aid ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey maalmaha xoriyadda, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News