Nuur dugle (KAAB TV) – Madaxweynaha dowlad goboledka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi hogaaminayo oo gaaray deegaanka Nuur-dugle ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay halkaas.
Madaxweynaha oo wafdigiisa uu ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa u kuurgalayay xaaladaha deegaanka sida amniga iyo baahiya ay qabaan bulshada.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa deegaanka Nuur-dugle ku qabtay Shirka Xasilinta iyo Nabadeynta isagoo dhanka kale kulan fool ka fool ah la qaatay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay baahiyahooda ku qotoma adeegyada assasiga ah ee bulshada.
Dhanka kale, cali Guudlaawe ayaa ku bogaadiyay bulshada Nuur-dugle sida geesinimada leh ay isaga dulqaadeen al-shabaab ugana shaqeeyeen amniga iyo xasiloonida.
Ugudambeyntii, Madaxweyne Guudlaawe ayaa sidoo kale booqday deegaannnada Geedi Xeer, Qaahiro, Xasan Geeddi iyo Maxaa saciid, waxa uuna deegaanka Xasan Geeddi kulan kula qaateen Nabadoonada iyo waxgaradka deegaanka.