Baashe Yuusuf iyo lix garsoore oo dacwad ka dhan ah Xasan Sheekh u gudbiyey Maxkamadda Bariga Afrika

|

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, iyo lix garsoore oo ka tirsan maxkamadda ayaa la sheegay inay dacwad ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyeen Maxkamadda Caddaaladda ee Bulshada Bariga Afrika (EACJ), oo xarunteedu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya.

Garsoorayaasha ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka dalka, isla markaana uu faragelin ku sameeyay madax-bannaanida garsoorka. Waxay sidoo kale sheegeen in garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay la kulmeen hanjabaado iyo cabsi-gelin la xiriirta go’aannada ay ka gaareen khilaafka dastuuriga ah ee dalka.

Sida lagu sheegay xogta laga faafiyey dacwadda, garsoorayaashu waxay Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika ka codsadeen inay eegto eedeymaha ay soo bandhigeen, isla markaana ay qaaddo tallaabo sharci ah oo waafaqsan Axdiga Bulshada Bariga Afrika.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maxkamadda Sare, kaas oo ka dhashay xil-ka-qaadista Guddoomiye Baashe Yuusuf iyo go’aannadii maxkamaddu ka soo saartay arrimaha dastuurka iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 4-tii Nofeembar ku dhawaaqay xil-ka-qaadista Baashe Yuusuf, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan. Hase yeeshee, Maxkamadda Sare ayaa tallaabadaas ku tilmaantay mid aan sharci ahayn, iyadoo ku doodday in Madaxweynaha uusan awood u lahayn inuu si keligiis ah xilka uga qaado guddoomiyaha maxkamadda.

Khilaafka ayaa sii xoogeysanayay kaddib markii Maxkamadda Sare ay go’aan ka soo saartay muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, iyadoo arrintaasi dhalisay dood sharci iyo mid siyaasadeed oo xooggan.

DHEERAAD:  Nabaddoon lagu dilay Muqdisho & DFS oo u taag la' ammaanka

Maxkamadda Caddaaladda ee Bulshada Bariga Afrika waxay qaabilsan tahay fasiraadda iyo dhaqangelinta Axdiga ururkaas. Si kastaba ha ahaatee, awoodda ay u leedahay inay qaaddo dacwad noocan ah waxay ku xirnaan doontaa shuruudaha sharci ee dacwaddu buuxiso iyo xiriirka ay la leedahay Axdiga Bulshada Bariga Afrika.

Ilaa hadda ma jirto xaqiijin rasmi ah oo la helay oo ku saabsan in Maxkamadda EACJ ay dacwadda diiwaangelisay ama ay aqbashay. Sidoo kale lama shaacin lambarka dacwadda ama jadwalka dhageysigeeda.

Haddii dacwadda si rasmi ah loo xaqiijiyo, waxay noqon doontaa tallaabo kale oo muujinaysa in khilaafka hay’adaha dowladda Soomaaliya uu gaaray heer goboleed, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay maxkamaddu uga jawaabto cabashada garsoorayaasha.

Dhanka kale, waxaa la sugayaa jawaabta dowladda Soomaaliya iyo Madaxtooyada ee ku saabsan eedeymaha loo jeediyey Madaxweynaha, iyo sida loo xallin doono khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Madaxtooyada iyo Maxkamadda Sare.

Xaaladdan ayaa mar kale dhalisay su’aalo ku saabsan madax-bannaanida garsoorka, kala-soocidda awoodaha dowladda iyo baahida loo qabo xal sharci ah oo lagu soo afjaro muranka siyaasadeed ee dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News