Baidoa (KAAB TV) – Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay wehliyaan kuwa Koonfur Galbeed, ayaa saacadihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameeyay wadooyinka isku xira Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka, ciidamada ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo aan magacyadooda la shaacin. Waxa ay sidoo kale burburiyeen goobo ay kooxdaasi lacagaha kaga qaadi jireen gaadiidka dadweynaha.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii loo sugi lahaa ammaanka waddooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, halkaasi oo mararka qaar ay ka geystaan falal argagixisanimo.
Si kastaba ha ahaatee, habeenimadii Khamiista, rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa ugu yaraan toban madfac ku weeraray saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur ee gobolka Bakool. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, ciidamada Itoobiya ayaa ku jawaabay madaafiic, balse lama oga khasaaraha ka dhashay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamada.

