Muqdisho(KAAB TV)- Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo aad u badan oo aad u hubeysan waxay geysay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo beeleed. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin, ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay ugu tala galeen in ay kala dhex galaan dagaal beeleedyada ka socda tuulooyin ku teedsan deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu faray ciidamada Booliska inay xaqiijiyaan ammaanka deegaanadaasi, si loo yareeyo khasaaraha ka dhashay. In ka badan 30 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhex maray tuulooyinka Buur Shiiq iyo Biyo Cadde oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe todobaadkii hore.
Copyright © 2026 Kaab TV – All Rights Reserved.

