Dagaal u dhexeeya laba beelood oo Soomaali ah oo ay ku dhimatay ugu yaraan 55 qof.

|

Dhusamareb  (KAAB TV) – Dagaal dabayaaqadii todobaadkii hore dhexmaray laba beelood oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 55 qof iyo dhaawaca 155 kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha caafimaadka Isniintii.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaliya kuma dadaaleyso sidii ay u xakameyn lahayd qalalaasaha ay maleegayaan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, balse waxa ay wajahaysaa dagaallo beeleedyo salka ku haya gacan ku heynta dhulka iyo biyaha dalka Geeska Afrika.

Dagaalada u dhaxeeya beelaha Dir iyo Mariixaan oo sanado ka hor si wada jir ah ugu dagaalami jiray Al Shabaab, ayaa Sabtidii shalay ka qarxay Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee Galmudug, iyadoo dagaalkaasi uu salka ku haayo dhul daaqsimeed iyo biyo, sida uu sheegay Faarax Nuur oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Xeraale.

“Ciidamada dowladda ayaa soo daahay, nasiib darro 55 qof ayaa dhintay, waxaa ku jira labada qabiil,” ayuu u sheegay Reuters.

“Way fududayd in la joojiyo (dagaalka) balse ma dhicin, xaaladdu faraha ayay ka baxday oo waxay u fiday sidii dab duur ah.”

Madaxda sare ee Galmudug ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiga Reuters ee ku aadan in wax laga sheego dhacdada.

Shaqaalaha isbitaallada Xeraale, Caabuwaaq iyo labo magaalo oo kale oo ku dhow ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in ay u tageen 115 qof oo ku dhaawacmay dagaalka. Dadka dhintay ayaa markiiba la aasay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka sida dadka deegaanka ay sheegeen.

“Waxaa jirta (a) xabbad joojin laakiin niyadda ma fiicna, waxaa loo baahan yahay xabbad-joojin joogto ah,” Sacdiya Xuseen, oo ah hooyo afar carruur ah leh, ayaa u sheegtay Reuters iyadoo ku sugan Caabudwaaq.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News