Dil loo adeegsaday Toorey oo xalay kadhacay aagga Tabeellaha Sheekh Ibraahim

|

Muqdisho (KAAB TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil naxdin leh oo xalay loogeystay wiil dhalinyaro ah kaas oo kadhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wiilka dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Cabdulle Maxamed, ayaa waxaa dilkiisa loo adeegsaday mindi isagoo kasoo baxay GYM kuyaala halka looyaqaano Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Dhanka kale, Warar kala duwan oo kasabaxay dilka loogeystay marxuum Saciid Cabdulle Maxamed ayaa sheegaya in mindida looga dhugtay wadnaha taas oo sababtay in uu isla goobta uu ku geeriyoodo.

Wararka waxa ey sheegayaan in uu goobta iskaga baxsaday ninkii dilka geeystay oo ku hubeysnaa mindi sida ey warbaahinta uxaqiijiyeen dadka deegaanka.

Laamaha amaanka ee dowladda ayaa haatan wada baaritaano ku aadan dilkaasi, iyagoona sheegay iney gacanta kusoo dhigi doonan.

Ugudambeyn, Dadka deegaan ayaa waxa ey sheegeen in dilkii loogeystay marxuum Saciid Cabdulle Maxamed uu kunoqday mid argagax kuleh.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News