Dowladda Koonfur Galbeed oo walaac xooggan ka muujisay bixintaanka ciidanka ATMIS

|

Beydhabo (KAAB TV) – Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac kamuujisay qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda amniga dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay uu saan macquul eheen hadalka kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud oo sheegay in dhammaadka sanadkan 2024-ka ciidamada Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya.

Hadalka lataliyaha ammniga qaranka ayaa ahaa sida tan “dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeynay  ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanadkan wixii ka dambeeya, arrintaasi waa arrin dawladda Soomaaliya go’aan ka qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin.

Dhanka kale, Wasaaradda ammniga gudaha dowladda Koonfur Galbeed ayaa hadalka kasoo yeeraya lataliyaha ammniga Qaranka uu yahay mid aan laga fiirsan isla markaana laga qaatay go’aan aan loo meel dayain, haatana aysan macquul eheen in xiligan dalka ay kabaxaan ciidamada howlgalka ATMIS.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa dhanka kale waxa ay bogaadisay doorka muhiimka ah ay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanadeeda, ay ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Ugudambeyn, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News