MUQDISHO (KAAB TV) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu hagaajinayo amniga caasimadda Muqdisho, si looga hortago dhibaatooyinka amni darro ee dilalka, qaraxyada iyo dhaca ay geysanayaan kooxaha burcadda ah.
Ciidamada ayaa lagu arkayay wadooyinkaasi iyagoo sameynaya dhaq dhaqaaqyo amni, kuwaasi oo baarayay gaadiidka, waxaana sidoo kale ay sameeyeen howlgalo dad badan lagu soo qab qabtay intii uu socday howlgalada qorsheysan.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu qaaday tallaabo lagu xoojinayo Koontaroolada Ciidamada, si loo kordhiyo howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda iyo duleedkeeda.
“Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo mudnaan gaar ah siiya amniga Caasimadda Muqdisho ayaa xoojiyay Koontaroolada laga soo galo xaafadaha Muqdisho, si loo adkeeyo amniga Caasimadda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Booliska.
Kormeerka amniga ayaa sidoo kale waxaa sameeyay taliyaha qeybta booliska G/Banaadir, G/sare Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo isna booqday kalfadhiyada ciidamada booliska, isagoo u kuurgalayay shaqada ay hayaan ciidamada.
Mahdi ayaa kula dar daarmay ciidamada in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay uga hortagaan qorshayaasha gurracan ee ay maleegayaan kooxaha Al-Shabaab ee dhibaateynaya shacabka Muqdisho.
Magaalada Muqdsho, ayaa waxay horay dowladdu u sameysay qorshe lagu guuleystay oo lagu dhisayo Ciidamo Boolis ah oo Milatari ah, kuwaasi oo xasiliyay amniga Caasimadda, iyadoo muddo laga nasanayay weerarro iyo qaraxyo ay Al-Shabaab ka geysanayeen Caasimadda.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay madaxda in ay muhiimadda koowaad siiyaan tayeynta amniga, taasoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow dhow.

