Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa shir-gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee degmooyinka Gobolka Banaadi kaasi oo looga hadlayay horumarinta waxbarashada iyo dardar gelinta ololaha la dagaalanka Al-Shabaab. -Dagaalyahannada Al-shabaab oo ujeeddadoodu tahay hooyooyinka inay hormuud ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ay ciidamadu ka taageerayaan.
Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kulankan ku casuumay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana uu ka wareystay qorshaha Wasaaradda ee horumarinta Waxbarashada Gobolka Banaadir.
Madaale ayaa dhankiisa u gudbiyay qorshaha wadashaqeyneed ee u dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado tayada waxbarasho ee ardayda wax ku barata iyo goobaha waxbarashada ee Caasimadda.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray qorshaha sidii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya looga taageeri lahaa dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ololahan lagu taageerayo hooyada oo hormuud u ah qorshaha iyo ololaha howlgallada.
Madashu waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayey Duqa magaalada Bolnas ee dalka Sweden, C/llaahi Cadaani oo dhankiisa bogaadiyey howlaha lagu horumarinayo amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada iyo qeybaha kale ee xasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

