Muqdisho (KAAB) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada aqal, waxayna ku yeesheen xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Kulanka ayaa intii uu usocday waxaa looga hadlay dar-dargelinta howlaha baaxada leh ee horyaala Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa u baahan in si wadajir ah ay ugu wada shaqeeyaan labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.
Guddoonka labada aqal ayaana kulankooda kaddib waxa ay ku ballameen in dib la isugu soo laabtaan kulan kale oo muhiim u ah shaqada Baarlamaanka baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya.
Kulankan ey maanta yeesheen guddoonka labada Aqal ayaa imaanaya xilli kulankii ugu dambeeyay ee golaha shacabka ku dhammaaday foodo, kaddib markii xildhibaannada qaar diideen in xukuumadda soo gudbiso liiska wasiirrada lala xisaabtamayo.
Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaannada qaar ey kulamo kawadaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya iyo magaalada Muqdisho, sidoo kale kulamadaas ayaa lagu soo waramayaa in hoggaaminyaan xildhibaannada mucaaradka ah.
Sidoo kale Villa Soomaaliya oo kaduuleysa arrintan ayaa shalay waxa ey baajisay kulan ey lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka waxa eyna kuqancisay guddoomiyaha golaha shacabaka Sheekh Aadan Madoobe in uu dib udhigo kulanka inta laga gaaraayo Arbacada.
Ilo xog ogaal ah ayaa Kaab TV uxaqiijiyay in Xasan Sheekh Xamze Cabdi Bare ey cabsi weyn kaqabaan kulanka Baarlamaanka, maadama usoo shaac baxay guux weyn oo ku aadan in xildhibaannada ey wadaan mooshin culus oo kadhan ah Xukuumadda Dan Qaran.

