Ismaaciil Xaniyah oo booqasho kujoogo dalka Iran ayaa kulamo laqaatay Ayatullaahi khameine

|

Tehran (KAAB TV) – Madaxa siyaasada uqaabilsan ururka reer Falastiin ee Xamaaz Ismaaciil Xaniyah ayaa booqasho aan lasii shaacin kutagey magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran isagoo lakul may madaxda dalkaasi.

Sidoo kale, Ismaaciil Xaniyah ayaa magaalada Tehran gaaray shaly sabtidii isagoo kulamo laqaatay madax sare oo kamid ah Iran oo uu kamid yahay hoggaamiyaha Iran Ayatullaahi Cali khameine.

Dhanka kale, masuuliyiintaan ayaa kawada hadlay xaaladaha kataagan Gaza iyo dagaalka iyo duqeymaha aan joogsiga laheyn ee udhexeeyo xooggaga Xamaaz iyo ciidamada gumeysi doonka ah ee Yuhuuda.

Ayatullah Khameine ayaa taagero iyo garab istaag buuxa umuujiyay ururka xaq udirirka ah ee Xamaaz isagoona bogaadiyay sida kooxda Xamaaz iskaga difaaceyso duulaanka Yuhuuda.

Madaxa siyaasadda kooxda Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa maalmo kahor sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka, waxa uuna halkaasi kula kulmay madax katirsan dowladda Ruushka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News