Maxaa kajiro in kulan uu dhexmaray Xasan Sheekh iyo Siciid Deni maxaana looga hadlay kulankaasi?

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xogo dheeraad ayaa waxaa laga helayaa kulan qarsoodi ah oo dhexmaray Siciid Deni iyo Xasan Sheekh ey Garoowe kuyeehseen kulan qarsoodi ah oo dhexmaray labada madaxweyne iyagoo muddo kadib wadayeeshay kulan fool ka fool ah.

Sidoo kale, Xasan iyo Sheekh iyo Siciid Deni ayaa kulankankaasi yeeshay xaflada caleema saarka kadib, kulanka ayaana waxaana diirada lagu saray sii meesha looga saari lahaa mad-madowga kujiro labadan masuul dhexdooda.

Dhanka kale, Jaamac Xasan Khilaaf oo ah Wasiirka isgaarsiinta iyo Boostada oo kamid ahaa wafdigii madaxweynaha raacay madaxweynaha ayaa ka warbixiyay waxyaalaha diirada lagu saaraayay kulankaasi wuxuuna sheegay in kulanka kaliya uu udhexeeyay Siciid Deni iyo Xasan Sheekh.

Wasiir Jaamac Xasan Khilaaf ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in labada masuul ey kawada hadlaayeen khilaafaadka dhexdooda ah iyadoona ey jirto isku soo dhawaansho sida uu uxaqiijiyay Warbaahinta.

Jaamac Xasan Khilaaf ayaa waxa uu meesha kasaaray khilaafkii xoogganaa ee udhexeeyay dowladda Federaalka iyo Puntland isagoona ku tilmaayay inuusan aheyn sida ey dadka u buun-buuninayaan balse uu yahay mid iska basiid ah.

“Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland kaliya waxaa udhexeeyo waa kala aragti duwanaan haatana meesha laga saarayo taasi si loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland”.

Ugudambeyn, Isku soo wada duub arrimahan ayaa haatan waxa ay kusoo beegmayaan iyadoo uu jiro khilaaf kadhashay wax kabdalka dastuurta ayadoo ay talaabadaasi ey horey uqaadeen Baarlamaanka Federaalka iyadoo Puntland ey diidantahay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News